(ISKU AADYADA AGOOSTO: Kulanka Milan vs Craiova oo noqday kulankii 4-aad ee ugu shacbiyadda badnaa (Ku dhowaad 60 kun oo tigidh oo durba la jartay)

(Milano) 01 Agoosto 2017 – Taageerayaasha AC Milan ayaa muujinaya xiise aan lagu kal-ciyaareedyadii ugu dambeeyay, iyagoo durba jartay 59,000 oo tigidh lugta 2-aad ee wareegga 3-aad ee isreebreeb-horaadka Europa League ee ay Khamiista kaga hor jeedaan Craiova.

Garoonka San Siro ayaa ku dhowaad buuxa, iyadoo ay arrintan lafteedu tahay mid taariikhi ah, waayo sida uu faafiyay Milan TV, waxay noqonaysaa ciyaartii 4-aad ee taariikhda ugu shacbiyadda badnayd marka ay timaaddo kulamada ay Rossoneri ciyaartay bishan Agoosto.

Kulanka 1-aad waa Milan-Inter oo kulan ka tirsanaa horyaalka ciyaaray 29 Agoosto oo ay ciyaarta daawanayeen 78467 oo qifi, waxaa ku xigta Milan-Stella Rossa oo ciyaaray 9-kii Agoosto 2006, kulan ka tirsanaa isreebreeb-horaadka Champions League.

Kaalinta 3-aad oo in yar uun ka horreeysa Craiova-Milan oo ah kulan weli kobcaya, waa Milan-Bologna oo dhacay 31-kii Agoosto 2008, xilligaas oo ay taageerayaal u kacaansanaa imaanshiyihii Ronaldinho oo gaarayay 63306 oo madax ay soo xaadireen gegada San Siro.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close