Cristiano Ronaldo oo waqtigii la filayay ka hor dib ugu soo laabtay tababarka Real Madrid

cr

(Madrid) 01 Agoosto 2017. Cristiano Ronaldo ayaa ka soo hor maray waqtigii la filayay inuu dib ugu soo laabto tababarka kooxda Real Madrid.

5-ta bishan Agoosto ayaa lagu waday inuu dib u bilaabo tababarka balse laacibka ayaa waxa uu yoolkiisu yahay sidii uu taam ugu noqon lahaa Supercopa Espana oo ay isku wajihi doonaan Barcelona.

Ronaldo ayaa la siyay ogolaanshaha waqti dheer uu ku raaxeysto kaddib markii uu xulkiisa Portugal kala qeyb galay koobka Confederations Cup.

Kabtanka Portugal ayaa shalay dib ugu soo laabtay Spain iyadoo uu ka soo muuqday maxkamada eedeymihii ku aadanaa canshuur lunsi, balse laacibka ayaa go’aansaday inuu durbaba bilaabo tababarka inkastuu kaligii ku sameyn doono Valdebebas maadaama ay xiddigaha kale ee Real Madrid ay weli ku maqan yihiin dalka Mareykanka oo ay ku soo yeelanayeen kulamo saaxiibtinimo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close