“Cristiano Ronaldo mise Lionel Messi? Anigu waxaan dooran lahaa…”.

ddd

(Europe) 01 Agoosto 2017. Dooda ugu wayn ama ugu kulul kubbada cagta waqtigan ayaa ah keebaa fiican Lionel Messi iyo Cristaino Ronaldo.

Laacibkii hore ee Brazil iyo Barcelona Ronaldino oo su’aashaas la hor dhigay ayaa u xagliyay dhanka Lionel Messi oo uu saaxiib ku sheegay.

“Messi iyo Ronaldo waa labo laacib oo wayn,” Ronaldinho ayaa sidaa ku yiri wareysi uu ku bixinayay Costa Rica.

“Laakiin waa inaan anigu doortaa Messi maxaa yeelay waa saaxiibkey.”.

Dhanka kale Ronaldinho ayaa wax laga waydiyay mustaqbalka cakiran ee Neymar kaa oo qarka u saaran PSG.

“Haddii aan anigu ahaan lahaa waxaan sameyn lahaa wixii aan markasta sameyn jiray.

“Waa inaad wadnahaaga raacdaa aadna aadaa halkaad isleedahay way saxan tahay, waxaadna aadaa meesha aad farxad ka heli doontid.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close