Xiriirka u dhexeeya Neymar iyo ciyaartoyda Barcelona oo sii xumaaday

Image result for Neymar and Barcelona players

(Barcelona) 31 Luulyo 2017 Xiriirkii u dhexeeyay ciyaartoyda Barcelona iyo laacibka reer Brazil ee Neymar ayaa sii xumaaday tan iyo kulankii Real Madrid.

AS ayaa baahisay in ciyaartoyda kooxdu ay niyad jab ka muujinayaan hab dhaqanka laacibka, kaas oo ay ku eedeynayaan inuu fiirsanayo kaliya dantiisa shaqsiga ah isaga aan fiirin mida kala dhexeysa ciyaartoyda kooxda.

Neymar Paris

Laacibka ayaa isaga baxay qolka labiska ee Barcelona kulankii ugu danbeeyay ee ay la ciyaareen Real Madrid isaga oo aan xirnayn dharka kooxdiisa Barca.

Ka hor kulankaas, Neymar ayaa isaga baxay tababarka Barcelona kadib markii uu dagaal lagalay laacibka ku cusub kooxda ee Semedo.

Dhamaan waxyaabahaan oo isbiirsaday ayaa cadayn u ah in Neymar uu go’aansaday inuu ka tago Barcelona isla markaana uu ku biiro PSG.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close