Siminaar loo soo xiray maamulka kooxaha  kubadda cagta heerka koowaad ee Soomaaliya

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa soo gaba gabeeyay Siminaar ay u qabteen maamulada kooxaha heerka koowaad ee dalkeena Soomaaliya.

Siminaar ayaa waxaa ka qeyb qaadanayay 10-ka kooxood ee xilli ciyaareedkaan dhamaadka ah ka soo muuqanaya horyaalka koowaad ee dalkeena.

Ujeedka aqoon kororsiga ayaa ahaa in la helo koox maamulkeeda uu u dhameystiran yahay, waxaana bixinayay macalimiinta kala ah  Cali Saciid, Maxamed Cali Makiino iyo Jamaal Xaashi.

Gaba gabada Siminaarka ayaa guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya C/Qani Saciid Carab waxaa uu ka qeyb qaadayaashaada Siminaarka  ka dhageystay waxa yaabihii ay kaa faa’deen , iyagoo sidoo kale  soo gudbiyay talooyin hor mar abuuri kara.

“ Waxaan u mahad celinayaa macalimiintii bixineysay Siminaarka, sidoo kale waxaan mid taa la mid ah u dirayaa maamulka kooxaha oo waqtigooda noo huray, waxaana idinka rajeyneynaa in wixii aad barateen aad u gudbin doontaan  kooxdiina ayuu yiri  C/Qani Saciid Carab oo ah guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxaa shahaadooyin la guddoonsiiyay maamulka kooxaha taasoo cadeyneysa in ay qaateen siminaar soconayay laba maalin, xilli   sare loogu qaadayay  kubada cagta.

IMG_3981 IMG_3984 IMG_3986 IMG_3987 IMG_3990 IMG_3991 IMG_3995 IMG_4004 IMG_4009 IMG_4017 IMG_4021 IMG_4022 IMG_4029 IMG_4034 IMG_4052 IMG_4055 IMG_4065 IMG_4067 IMG_4069 IMG_4074 IMG_4077 IMG_4082 IMG_4087 IMG_4097 IMG_4100 IMG_4102 IMG_4103 IMG_4104 IMG_4109 IMG_4114 IMG_4115 IMG_4119 IMG_4122 IMG_4124 IMG_4127 IMG_4128 IMG_4132 IMG_4137 IMG_4138 IMG_4142

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close