RASMI: Matic oo ku biiray Manchester United

DGEsKPwWsAAUQWn

(Manchester) 31 Luulyo 2017. Manchester United ayaa xaqiijisay inay dhammeystirtay saxiixa xiddiga qadka dhexe ee Chelsea Nemanja Matic.

Laacibka oo 29 jirsan doona 1-da Agoosto ayaa ugu soo biiray Old Trafford heshiis saddex sano ah oo leh dooq uu hal sano oo dheeri ah ugu darsan karo kaddib markii uu 121 kulan u soo saftay Blues Premier League isla markaana u dhaliyay 4-gool.

Man United ma aysan shaacin beesada ay kala baxday Matic laakiin Goal ayaa fahansan inay kooxdu ogolaatay 40 milyan oo bound si ay uga soo kaxeysato Stamford Bridge.

Matic ayaa 30 kulan lagu soo bilaabay kal ciyaareedkii ugu horreeyay uu Conte qabto Chelsea, iyadoo maalmihii dambe inta badan la ciyaarsiinayay Fabregas.

Xiddiga reer Serbia ayaa naadigiisa cusub u xiran doono No. 31.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close