Mourinho oo u jawaabay Antonio Conte (Muuqaal)

Image result for Conte and Mourinho

(Manchester) 31 Luulyo 2017 Tababaraha kooxda Manchester United ayaa u jawaabay dhigiisa Chelsea ee Antonio Conte.

Tababaraha reer talyaani ayaa sheegay inuu ka fogaanayo xiliciyaareed kan wixii ku dhici jiray Blues waqtigii Mourinho.

2-dii horyaal ee u danbeeyay ee Jose Mourinho uu u qaaday Chelsea waxaa ka danbeynayay xiliciyaareed niyad jab leh, Conte ayaana doonaya in Blues uu ka saaro xusuustaas xun.

Laakiin Mourinho oo ka jawaabay hadalka Conte ayaa sheegay inuu ka baqayo inay tintu kabido haddii uu u jawaabo tababaraha reer talyaani.

-Jose, ma garan karo inaad daawatay, laakiin Conte wuxuu sheegay inuu doonayo inuu ka fogaado “xiliciyaareedka Mourinho” ee Chelsea, malayaabtay waraysigiisa nuucaas ah? ayuu waydiiyay Mourinho mid kamid ah wariyayaashii joogay shirkiisa jaraa’id ee kadib guushii Valerenga.

Mourinho ayaana ku jawaabay: “Ma garanayo, qaabab kala duwan ayaan ugu jawaabi karaa laakiin ma doonayo in tintu iiga bido u jawaabida Antonio Conte”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close