Mourinho oo riday QISH weyn oo ku saabsan in Matic ku biiray Man United

Jose-Mourinho-633733

(Manchester) 31 Luulyo 2017. Jose Mourinho waxa uu riixayaa heshiis uu Nemanja Matic ugu soo wareegayo Manchester United laakiin ma rabo in uu xaqiijiyey in is afgarad dhacay.

Waxaa la jabsaday sida warar hoose qabaan Website-ka Manchester United iyada oo la soo bandhigay Matic oo gashan maaliyadda kooxda.

Maanta ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo heshiis £40million oo uu Serbian-ka uga mid noqonayo Old Trafford.

Matic waxa uu noqonayaa saxiixii saddexaad ee Jose Mourinho xagaagan kaddib Romelu Lukaku iyo Victor Lindelof.

Yeelkeede, Mourinho wuu ka cagajiidayaa in uu xaqiijiyo arintaas.

Nemanja-Matic-played-under-Jose-Mourinho-at-Chelsea-1026101

“Waxaan sugayaa war,” ayuu Mourinho yiri.

“Waxaan ogahay in uu sidaas aad iyo aad u doonayo, aad iyo aad.

“Marka ciyaaryahan uu aad iyo aad u rabo, waxaa jira fursad weyn, fursaddu wey weyntahay, markaa waxaan qabaa in aan fursad haysanno laakiin kubadda cagta waa ilaa iyo inta rasmi ay ka noqoneyso.

“Waxaan arkay waxyaabo badan oo dhacay taas oo ii diideysa in aan hadlo intaan idiin sheegay ka badna ma dhihi karo hadda.”

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close