Goorma ayuu Riyad Mahrez tijaabada caafimaad u marayaa AS Roma??

mah

(Europe) 31 Luulyo 2017. Xiddigii ku guuleystay abaal marinta laacibka sanadka ee Premier League 2015-16 Riyad Mahrez ayaa ku wargaliyay kooxdiisa inuu doonayo inuu ka tago.

Laacibka reer Algeria ayaa tijaabada caafimaad u mari doona Roma maalinka arbacada ah ka hor inta uusan ugu biirin adduun lacageed dhan 31.3-milyan oo bound.

Jariiradda Corriere dello Sport ee aad ugu dhow kooxda lagu naaneyso Giallorossi ayaa warineysa in labada kooxood ay ugu dambeyn ku heshiyeen lacagaha iyadoo Foxes ay Manchester City ka soo iibsatay Kelechi Iheanacho.

Riyad Mahrez reportedly set to undergo medical ahead of move to Roma

Mahrez ayaana u soo duuli doona Talyaaniga si uu tjiaabada caafimaad arbacada ugu maro Roma ka hor inta uusan dhammeystirin heshiiska uu ugu biirayo kooxda reer Talyaani.

Arsenal iyo Tottenham ayaa sidoo kale doonayay saxiixa xiddiga reer Algeriya balse gacan ka taagay lacagaha la dul dhigay.

26-jirka ayaa u imaan doona AS Roma  si uu u buuxiyo booskii uu ka baxay laacibka carbeed ee Mohamed salah kaa oo ku biiray Liverpool isla markaana kooxda u dhaliyay 19 gool kal ciyaareedkii tagay.

Roma want Mahrez to replace now-Liverpool star Mohamed Salah

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close