“Dhibkaba waxaa ii keenay Magaceyga.”. Cristiano Ronaldo

crrrr

(Madrid) 31 Luulyo 2017. Cristiano Ronaldo ayaa saacad iyo bar ka hor hadlayay maxkada la soo taagay si uu isaga difaaco cunshuur lunsi horey loogu soo eedeeyay.

Ronaldo oo cadeynaya daahirsanaantiisa iyo inuusan howlahaa ku kicin ayaa sheegay in waxa dhibka u keenayba ay tahay Magaciisa oo haddii uusan lahaan lahayn magaca iyo sumcada uu leeyahay aan maanta Maxkamad loogaga yeeri lahayn.

“Haddii uusan magaceyga ahaan lahayn Cristiano Ronaldo, halkan ma joogi lahayn,”. Ronaldo ayaa sidaa laga soo xigtay.

Waxaa kaloo la sheegayaa in xiddiga reer Portugal uusan la hadlin saxaafadii bannaanka ku sugeysay markii uu maxkamada ka soo baxay waxaana laga dheehanayay inuusan ku jirin xaalad farxadeed.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close