Alexis Sanchez oo galabta dib ugu soo laabanaya Arsenal

(London) 31 Luulyo 2017 Kooxda Arsenal ayaa sugaysa laacibkeeda Alexis Sanchez kaas oo u soo duuli doona London galabta.

Tababare Arsene Wenger ayaa sheegay in Sanchez ay filayaan inuu soo gaaro London galabta kadib xunuunkii uu ka sheegtay laacibka.

Xiddiga reer Chile oo mugdi uu ku jiro mustaqbalkiisa ayaa la filayay inuu dib ugu soo laabto kooxda shalay oo axad ahayd laakiin wuxuu sheegay inuu xanuunsanyahay.

“Sanchez London ayuu u soo duulaa galabka isniinta, heshiiskiisa waxaa uga harsan hal sano laakiin maalin uun waa uu bixi doonaa Arsenal-na horay ayeey u sii socon doontaa” ayuu yiri Wenger kadib kulankii Sevilla.

“Ma filaysaa in Sanchez uu sii joogo? haa dhabtii, imisa jeer ayaan dhagihiina maqashiiyay hadalkaas” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close