Pep Guardiola oo go’aamiyay mustaqbalka Samir Nasri

Image result for Nasri and Guardiola

(Manchester) 30 Luulyo 2017 Tababare Pep Guardiola ayaa go’aamiyay mustaqbalka laacibka reer France ee Samir Nasri.

Guardiola ayaa sheegay in laacibku uu doortay inuu katago Manchester City xaggaagii hore markaas oo uu ku biiray kooxda Sevilla ee horyaalka Spain.

Wuxuuna intaa ku daray in Samir Nasri haatan uusan boos uga banaaneyn kooxda maadama ay haystaan ciyaartoy qad dhexe oo farabadan.

Pep oo ka hadlay arinka Samir Nasri kadib guushii Tottenham ayaa yiri:

“Xaggaagii hore waxaan doonayay inuu nala sii joogo ilaa ka hor waqtiga isdiyaarinta xiliciyaareedka laakiin wuxuu doorbiday inuu amaah ugu biiro Sevilla”.

“Waa uu ogyahay fikirkeena haatan, waxaan haysanaa ciyaartoy badan oo qadka dhexe ah, sidaas darteed uma malaynayo inuu nala sii joogi doono”.

“Waan arki doonaa wixii dhaca, xaalkiisu wuxuu lamidyahay Mangala, muhiimad ayaan siinaynaa maadama ay nala joogaan, waana la dhacsanahay wax qabdka ay ku soo bandhigeen tababarka waqtigii u danbeeyay”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close