Napoli oo magacoowday laacibiinta uga qayb geleysa Audi Cup

(Napoli) 30 Luulyo 2017 – Kooxda SSC Napoli ayaa ku dhawaaqday kooxda uga qayb geleysa tartanka Audi Cup, iyadoo ka tagtay laacibiinta iib sugayaasha ah ee Ivan Strinic iyo Duvan Zapata.

Kooxda Partenopei ayaa Germany u duulaysa berritoole, iyagoo Talaadada la ciyaaraya Atletico Madrid, halka Bayern Munich iyo Liverpool ay kulanka kale ciyaarayaan Arbacada.

Macallin Maurizio Sarri ayaa ka tegey Duvan Zapata, oo haatan uun kasoo noqday amaah 2 sano ah oo uu ku joogey Udinese, iyo daafaca Strinic, taasoo xaqiijinaysa inaysan qayb ka ahayn qorshaha Sarri.

Kooxda Napoli ee Audi Cup: Reina, Rafael, Sepe, Albiol, Chiriches, Ghoulam, Hysaj, Koulibaly, Maggio, Maksimovic, Mario Rui, Tonelli, Allan, Diawara, Jorginho, Hamsik, Rog, Zielinski, Giaccherini, Callejon, Insigne, Mertens, Milik, Ounas, Pavoletti

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close