Macallin satelite u adeegsanaya tababarka kooxdiisa!!

(Napoli) 30 Luulyo 2017 – Macallin Maurizio Sarri ayaa hal abuurka tiknolojiyadeed weji cusub u yeelay kaddib markii uu dabaqay hannaan uu satelite ugu adeegsanayo tababarrada ay sameeyso kooxda Napoli.

Macallinkii hore ee Empoli ayaa horayba u ahaa macallinkii ugu horreeyay ee daroon dul hoganaya garoonka u isticmaala tababarka kooxda si uu u duubo dhaqdhaqaaqyada iyo guuritaanka xeeladeed ee laacibiinta.

Iminka, sida ku dhigan Il Mattino, Sarri ayaa markan adeegsanaya satellite si uu u helo sawir ka faahfaahsan kana ballaaran midkii hore, iyadoo macallinkan loo magacaabay tababaraha sanadkii 2016-17 ee Serie A.
b
Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close