Goorma ayaa la shaacinayaa heshiiska uu Matic ugu biiray Manchester United

maticc

(England) 30 Luulyo 2017.  Nemanja Matic ayaa tijaabada caafimaad ku maray xerada tababarka ee Man United Carrington ka hor inta uusan si rasmi ah ugu soo biirin.

Waxaa lagu wadaa inuu noqdo saxiixa saddeexaad uu Jose Mourinho sameeyo xagagan heshiis ku kacaya 40 milyan oo bound.

matic

Goor dhow ayaa baraha bulshada la soo dhigay isagoo xiran maaliyada tababarka ee Red Devils isla markaana uu xiran yahay No. 31 uu kooxda u xiran jiray Bastian Schweinsteiger.

Sida ay sheegeyso Manchester Evening News Matic ayaa tijaabada caafimaad maanta u maray kooxda Jose, waxaana heshiiskiisa la shaacin karaa caawa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close