Goomar ayuu Matic kulankiisii ugu horreeyay u safanayaa Manchester United???

maticcc

(Manchester) 30 Luulyo 2017. Laacibka qadka dhexe ee Chelsea Matic ayaa qarka u saaran inuu Old Trafford dib ugula midoobo tababarihiisii hore ee Jose Mourinho.

Kooxda ku soo guuleysatay Europe League ee United ayaa Super Cup 8-da August ku wajihi doonta kooxda ku soo guuleysatay Champions League ee Real Madrid.

Sida uu sheegayo Sky Sports, Matic ayaa lagu soo dari karaa shaxda Mourinho ee kulankaas.

mat

Xiddiga reer Serbia ayaa taam ahaanshihiisa baryahan uga shaqeynayay xerada tababarka ee Blues kaddib markii laga tagay kulamada ay kooxdu ku soo ciyaareysay bariga fog.

Sky Sport ayaa sheegay in saxiixa Matic la dhammeystiri doono maalmaha yar ee na soo aadan iyadoo warar kaa ka duwan ay sheegayaan in caawaba la dhammeystiri karo.

Kooxda Jose Mourinho ayaa boos cad taagan maadaama ay Juventus isaga hartay tartanka Matic.

Naadiga  xafidaneysa horyaalka Serie A ayaa iminka bartilmaameedsanaysa xiddigaha qadka dhexe ee PSG iyo midka Sevilla ee Blaise Matuidi iyo Steven N’Zonzi.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close