DEG DEG: Matic oo xiran Maaliyada Manchester United

matic

(England) 30 Luulyo 2017. Goor dhow ayay ahayd markii la shaaciyay in Man United ay qarka u saaran tahay soo xero galinta Nemanja Matic iyadoona lagu waday inay dhammeystirto saxiixiisa usbuuca soo socda.

Waxaa iminka soo ifbaxay sawir Matic oo sita maaliyada tababarka ee kooxda Jose Mourinho kaa oo durba qabsaday baraha bulshada.

Wararka la helaya ayaa waxay intaa ku darayaan in 28 jirka uu maanta tijaabada caafimaad ku maray Carrington.

Sawirka la helay ayaa sare u sii kiciyay qiyaas fikradeedka laga qabo inuu laacibku dhammeystiray heshiiska uu ugu biirayo Man United.

Waxaa maaliyadiisa ka muuqaneysa inuu xiran yahay No. 31 oo uu Red Devils u xiran jiray Bastian Schweinsteiger.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close