BYE BYE BYE: Neymar oo xitaa macsalaameeyay xiddigaha Real Madrid…+MUUQAAL

neymar

(Miami) 30 Luulyo 2017. Kaddib markii ay dhammaatay ciyaartii saaxiibtinimo ay xalay Real Madrid iyo Barcelona ku yeesheen Miami, waxaa la arkayay Neymar oo ku sugan qolka dhar badelashada ee Los Blancos si uu u macsalaameeyo.

Waxay u muuqataa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee EL Clasico iyadoo uu qarka u saaran yahay inuu ku biiro PSG.

Waxaa la filayaa in usbuuca soo socda la shaaciyo heshiiska uu ugu biirayo kooxda reer France, laacibka reer Brazil ayaana 15 daqiiqo ku soo qaatay qolka dhar badelashada kooxda ay coltamaan ee Real Madrid kaddib, wuxuuna qalka kala soo baxay maaliyado Los Blancos ah.

Halkan ku dhufo si aad u daawato MUUQAALKA:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close