Barcelona oo dib ugu soo laabatay Spain xili uusan la socon Neymar

(Barcelona) 30 Luulyo 2017 Kooxda Barcelona ayaa dib ugu soo laabatay Spain xili uusan la socon Neymar kaas oo mugdi uu ku jiro mustaqbalkiisa.

Ciyaartoyda kooxda ayaa dib ugu soo laabtay Barcelona, kaamirooyinka ayaana qabanayay Neymar oo aan la socon kooxdiisa.

Mundo Deportivo ayaa ogaatay in Neymar uu xayaysiin ganacsi ugu anba baxay Shiinaha taasna ay tahay sababta uu uga soo haray ciyaartoyda kooxda.

Mustaqbalka Neymar ayaa la filayaa inuu kala cadaado maalmaha soo socda maadama uu soo dhawaanayo furitaanka xiliciyaareedka cusub.

PSG ayaa diyaar u ah in Barcelona ay faraqa ugu shubto 222 milyan oo euro si ay u hesho laacibka reer Brazil.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close