Barcelona oo bixineysa lacagaha lagu bur-burinayo qandaraaska Paulinho

pa

(Catalonia) 30 Luulyo 2017. Barcelona oo dooneysa inay qadkeeda dhexe xoojiso inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga ayaa diyaar u ah inay miiska soo saarto 40-ka milyan oo euro ee lagu bur burin karo qandaraaska Pualinho.

Kooxda wiilka reer Brazil ee Guangzhou Evergrande ee dalka Shiinaha ayaa horey Barca uga soo diiday dalabyo hore balse camaaliqada Spain ayaa iminka la diyaar ah lacagaha ay doonayaan sida ay sheegeyso RAC1.

Related image

Catalan-ka ayaa kal ciyaareedkii la soo dhaafay soo iibsatay Andre Gomes iyo Denis Suárez balse midkood boos jooga ah kama helin kooxda taa oo keentay in badel nasiino oo la isku haleen karo loo waayo Busquets iyo Iniesta.

Barcelona ayaa dagaal xoogan ugu jirta sidii ay u sii heysan lahayd Neymar kaa oo qarka u saaran inuu ku biiro kooxda lacagaha la waalaneysa ee PSG.

Kubbad qaabeeyaha reer Brazil ee Liverpool Coutinho ayay Barcelona si daran ugu raad joogtaa si uu badel ugu noqdo Neymar.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close