Arsenal oo ku guulaysatay Emirates Cup + SAWIRRO

(London) 30 Luulyo 2017 Kooxda Arsenal ayaa ku guulaysatay koobka Emirates Cup ee ay martigaliso sanad walba waqtiga ka horeeya furitaanka xiliciyaareedka.

Arsenal ayeey guul daro ka soo gaartay kooxda Sevilla oo uga adkaatay 2-1, laakiin Gunners ayaa hanatay koobka maadama ay tahay kooxda dhalisay goolasha ugu badan.

Sevilla ayaa guulaysatay 2-dii kulan ee ay ciyaartay laakiin waxay dhalisay kaliya 3-gool halka Arsenal ay badisay kaliya hal kulan laakiin waxay dhalisay 6-gool.

Dhibcaha iyo farqiga goolasha ayeey labada kooxoodba isaga midyihiin, Arsenal ayaa uga mahadcelinaysa goolka qura ee ay ka dhalisay kulankaan saxiixooda cusub ee Lacazette.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close