”Weli koox aan la heshiiyay ma jirto” – Leon Goretzka oo inkiray inuu Bayern ku biirayo! (Milan & Juve oo sidoo kale doonaya)

(Gilcenkirchen) 29 Luulyo 2017 – Laacibka khadka dhexe ee Schalke 04 ee Leon Goretzka ayaa ku doodaya in u wareegista Bayern Munich ay “tahay war bilaa micne ah,” jeer uu albaabka u furay Juventus iyo Milan oo iyaguna xiisaynaya.

Laacibkan caalamiga ah ee reer Jarman ayaa ku jira sanadkiisii ugu dambeeyay ee qandaraaska Schalke waxayna warar badan horay u sheegayeen inuu ku wajahan yahay kooxda Carlo Ancelotti.

“Ma jiro wax heshiis ah, kaasi waa uun war bilaa micne ah, dadku in la mashquuliyo ayay jecel yihiin lkn haddii go’aan dhoco anigaa ku dhawaaqi lahaa,” ayuu Goretzka u sheegay warsidaha Bild.

“Go’aan in la gaaro qodobbo badan buu ku xiran yahay mana deg degi doono marka xilligiisa la gaaro.” ayuu raaciyay.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close