Siminaar loo furay maamulka kooxaha heerka koowaad ee Soomaaliya + SAWIRRO

(Muqdisho) 29 Luulyo 2017 Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa Siminaar u furay qaar ka mid ah kooxaha ka dhisan Soomaaliya.

Aqoon kororsigaan ayaa loo furay maamulka kooxaha heerka koowaad, kaasoo loogu tala galay in la helo koox maamulkeeda dhameystiran.

Furitaanka Siminaarka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Xubno ka socdo Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga iyo Madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo uu  hoggaaminayay C/qani Saciid Carab iyo marti kale oo lagu casuumay.

Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Soomaaliya C/qani Saciid Carab oo goobta ka hadlay ayaa sheegay  in Siminaarkaan u jeedkiisu uu yahay in la helo koox maamulkeeda uu u dhameystiran yahay iyo in kooxaha ay helaan Xoghaye aan magac u yaal aheen si ay nasiino u helaan Gudioomiyaasha naadiyada

Siminaarkaan oo socon doono laba maalin ayaa waxaa furay Agaasimaha Guud ee wasaarada dhalinyarada Isboortiga  Mudane Isaaq kaasoo wakiil ka ahaa Wasiirka iyo ku xigeenkiisa.

IMG_3876 IMG_3878 IMG_3880 IMG_3883 IMG_3885 IMG_3886 IMG_3888 IMG_3891 IMG_3894 IMG_3902 IMG_3903 IMG_3910 IMG_3914 IMG_3917 IMG_3923 IMG_3940 IMG_3947 IMG_3953 IMG_3955 IMG_3962

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close