“Waan xanuunsanahay.”. Sanchez oo jiro sheegtay xilli tababarka laga sugayay

alex

(London) 28 Luulyo 2017. Taageerayaasha Arsenal ayaa aad uga carooday Alexis Sanchez kaddib markii uu baraha bulshada soo dhigay inuu xanuunsan yahay goor la filanayay inuu dib ugu soo laabto tababarka kooxda.

28 jirka ayaa fasax ku maqnaa tan iyo markii uu xulkiisa Chile ka caawiyay Confederations Cup walina dib uguma soo laaban Gunners.

Sheekadii ugu dambeysay uu soo dhigayna baraha bulshada waxay aad uga careysiisay kooxda maadaama ay u muuqato inuu diidan yahay inuu dib ugu soo laabto tababarka.

Alexis Sanchez claimed he was ill on his Instagram account

Manchester City ayaa aad u dooneysa laacibka inkastoo ay jiraan kooxo kale oo u soo tafa xeydanaya saxiixiisa sida Bayern Munich.

Laakiin uma muuqdo Sanchez inuu goor dhow dib ugu soo laabanayo tababarka kooxda reer London kaddib markii uu soo dhigay baraha bulshada Sawir uu ku sheegayo inuu xanuunsan yahay.

Instagram ayuu soo dhigay sawir isaga iyo eygiisa wuxuuna soo raaciyay qoraal u dhacayay “Enfermo, oo Micnaheedu yahay Bukaan”. qof xanuunsan.

Alexis Sanchez was expected to return to training with Arsenal this weekend

Taageerayaasha Arsenal oo aad uga carooday sheekadan cusub ayaa comment yo fara badan u soo dhigay iyagoo qaar waydiinaya inuu xaaladiisa caddeeyo haddii uu tagayo iyo haddii kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close