”Sidee ku dhici kartaa inuu naadi sidaa u weeraro mid kale?” – Milan oo u jawaabtey madaxwaynaha Roma

(Milano) 28 Luulyo 2017 – Marco Fassone ayaa u jawaabey madaxwaynaha Roma, isagoo sheegay in Milan ay “ay diyaar u tahay” inay Giallorossi kula sharatanto kooxdii ay xisaabteedu isku toosan tahay.

Warkan ayaa imanaya ka gadaal markii uu madaxwaynaha Roma ee James Pallotta uu war muran dhalis ah ka yiri qaabka ay Milan sanadkan uga soo adeedatey suuqa kala iibsiga tan iyo markii uu la wareegey Li Yonghong isagoo yiri: ”Milan waa waalatay!!”.

“Dear Mr Pallotta, waxaan diyaar u nahay inaan isu dhiganno buug-xisaabeedka Milan iyo Roma,” ayuu yiri Maareeyaha Guud ee Rossoneri oo adeegsanaya boggiisa rasmiga ah ee Facebook.

“Waan la yaabnay habdhaqanka aan caadiga ahayn ee ku salaysan inuu naadi mid kale u weeraro sidaa tooska ah. Imisa khalad baa ku jirta…” ayuu yiri Fassone.

La soco warar kale…

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close