Muxuu yahay EMIRATES CUP, siduu u shaqeeyaa, imise Koox ayaa sanadan lagu marti galiyay?

DFe_8JbU0AEJ2Zg

(London) 28 Luulyo 2017. Waxaa beri furmi doona koobka Emirates Cup oo ay marti galiso kooxda Arsenal.

Kaddib markii uu sanadkii tagay ee 2016 u baaqday Euro dartii, Emirates Cup ayaa sanadkan soo rogaal celiyay iyaduu uu furmi doono berito.

Wuxuu noqon doonaa markii 9aad ay Arsenal ku marti galiso koobkan saddex kooxood, iyadoo nuqulkii ugu horreeyay ee 2007 ay ka soo muuqdeen kooxaha PSG, Valencia iyo Inter, waxaana tan iyo markaa ciyaaray kooxo waa wayn sida Real Madrid, Juventus iyo Boca Juniors.

Arsenal waxay ku guuleysatay 4 jeer sideed jeer oo la dhigay koobkan waana kooxda iminka xafidaneysa, Hamburg, the New York Red Bulls, Valencia iyo Galatasaray ayaa sidoo kale ku guuleystay Emirates Cup.

Muxuu yahay EMIRATES CUP??

Arsenal Emirates Cup 2015

Emirates Cup waa koob saaxiitinimo oo la isugu diyaariyo xilli ciyaareedka cusub oo ay sanad kasta Arsenal ku qabato Emirates Stadium.

Tan iyo sidii loo aas aasay 2007-dii waxaa la ciyaarayay sanadkasta marka laga reebo 2012-ka sababo la xiriira ciyaarihii Olympikada ee lagu qabtay London iyo sanadkii 2016 sababo la xiriira koobkii Euro iyo dib u dhiskii lagu sameynayay garoonka Gunners.

Gunners waxay koobkan ku marti galisay saddex kooxood waxaana la kala ciyaari doonaa sabti iyo axad.

Waa kuwee kooxaha lagu marti galiyay sanadan??

DFe_8JbU0AEJ2Zg

Waxaa sanadkan lagu marti galiyay kooxaha RB Leipzig ee ka dhisan Jarmalka, Benfica oo ka dhisan Portugal, iyo waliba Sevilla ee ka ciyaarta Spain.

Benfica horey ayay uga soo qeyb qaadatay tartankan halka Sevilla iyo Leipzig ay ku cusub yihiin.

Sidee isku wajahayaan?

 jd

Siduu u shaqeeyaa EMIRATES CUP??

Sida caadiga ah kooxdii guuleysata waxay helaysaa 3-dhibcood, bar-baraha waa hal dhibic, dabcan cidii laga adkaado wax dhibic ah ma helayso.

Tartankan wuxuu kaga duwan yahay kuwa kale waxaa la isku abaal mariyaa weerarka badan, gool kasta waxaa lagu helayaa dhibic, haddii ay kooxaha isku dhibco noqdaan waxaa lagu kala go’aaminayaa farqiga goolasha iyo waliba shots on target oo ah laadadka lala bartilmaameedsado goosha.

Sidoo kale kooxaha ka qeyb galaya tartanka isma wada arki doonaan.

Goorma ayaa la daawanayaa kulamada??

SABTI:

RB Leipzig vs Sevilla, 4.00pm Galabnimo xilliga geeska Afrika.

Arsenal vs Benfica 6.20pm Fiidnimo.

AXAD:

RB Leipzig vs Benfica, 4.00pm Galabnimo xilliga geeska Afrika.

Arsenal vs Sevilla, 6.20pm Fiidnimo.

W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close