MUUQAAL: Neymar iyo saxiixa cusub ee Barcelona Semedo oo tababarka isku dhex dagaalay

Neymara

(America) 28 Luulyo 2017. Neymar iyo daafaca cusub ee kooxda Barcelona Nelson Semedo ayaa waxay isku dhex dagaaleen tababarka kooxda Barcelona.

Semedo ayaa yare raacashada ku adkeeyay Neymar iyadoo uu laacibka reer Brazil u fahmay inuu si qalad u raacday isla markaana afka furtay isagoo ka cabanaya wuxuu ku sameeyay.

Waxaa ka muuqanaya muuqaalka Neymar oo aad u careysan isla markaana u baxsanaya dhanka daafaca reer Portugal iyadoo ugu dambeyna uu markii dambe isaga baxay tababarka isagoo tuuray maaliyada iyo kubbadaba.

Sheekadan ayaa waxay sii kicineysaa qiyaas fikradeedka laga qabo inuu Neymar lacago rikoodh ah ugu biirayo kooxda PSG.

Halkan ku dhufo si aad u aragto MUUQAALKA:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close