Inter Milan oo doonaysa Rafinha & Liverpool oo kula dheggan

(Barcelona) 28 Luulyo 2017 – Inter Milan ayaa sida lasoo werinayo waxay xiisaynaysaa laacibka khadka dhexe ee Barcelona ee Rafinha, balse waxay hardan kala kulmayaan jihada Liverpool.

Kooxda Nerazzurri ayaa doonaysa inay xoojiso safkeeda fasalka cusub, balse ilaa haatan waxay soo xera geliyeen Milan Skriniar iyo Borja Valero oo qura.

Haatan warsidaha Mundo Deportivo ayaa werinaya in ay xiiseyanayaan Rafinha, oo ah 24-jir reer Brazil ah oo khadka dhexe ka dheela, yeelkeede, waxaa kula dheggan kooxda Liverpool oo haddii laga fursan waayo doonaysa inay ku darto heshiiska ay Barca ku doonayso Philippe Coutinho.

Barça ayaa doonaysa inay Coutinho ku bedesho Neymar oo u muuqda mid usii siqaya dhanka Paris Saint-Germain oo u joogta €222m oo euro.

Arrintaa ayaana fursad wayn siineysa Reds, waxaa intaa dheer in Beneamata aysan diyaar u ahayn lacagta lagu fasaqi karo qandaraaska Rafinha oo ah €75m.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close