”Iga raalli ahaada Milan haddii aan khalad fahamsanaa” – Madaxwaynaha Roma oo dib u gurtay!

(Roma) 28 Luulyo 2017 – Madaxwaynaha AS Roma ee James Pallotta ayaa raalli gelin ka bixiyay wax uu ku tilmaamay “xog khaldan” oo kasoo gaartey iibka AC Milan.

Badrooniga Giallorossi ayaa xalaytoole muran dhaliyay kaddib markii uu ku dooday in ay Milan ”waalatay”, isagoo aad u dhaliilay lacag dhan €300m oo ay soo qaadatay, iyadoo uu u jawaabey maareeyaha Guud ee Rossoneri jaalle Marco Fassone oo sheegay inay Milan dhaqaale ahaan ka caafimaad badan tahay oo uu sheegay inay qaamaysan tahay.

Badrooniga Talyaani Maraykanka ah ayaa haddaba haatan u muuqda mid woxoogaa dib u gurtay isagoo yiri:“Raalli gelin baan ka bixinayaa haddii aan haystey xog aan sax ahayn,”.
“Waan daneeyaa kubadda cagta Talyaaiga iyo inay dib ugu soo laabato figta sare, sidaa darteed koox kasta waa inay ku qaaraantaa sidii loo abuuri lahaa horyaal xooggan oo is wadi kara sida Roma.

 

“Nasiib wacan baan u rajaynayaa Milan iyo milkiilayaasheeda cusub. Waana dhararayaa inaan wada shaqeeyno si loo abuuro Serie A wanaagsan.” ayuu daba dhigay.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close