”Habka dhaqaale ee Milan aad buu uga caafimaad badan yahay midka Roma” – Marco Fassone oo weerar rogaal celis ku qaaday Roma

(Milano) 28 Luulyo 2017 – Marco Fassone ayaa markiisa doonida ku dhuftay dhaqaalaha Roma isagoo muujiyay in Milan ay dhaqaale ahaan sida uu yiri ka ”caafimaad badan tahay kana roon tahay” kooxda Roma isagoo sheegay in qaamaha Giallorossi uu ”qof kastaahi arki karo”.

Fassone ayaa arrinta la tegey bogga ay Milan ku leedahay Facebook ka gadaal markii uu uu madaxwaynaha Roma ee James Pallotta uu shaki geliyay sida ay wax u waddo Rossoneri tan iyo markii uu la wareegey Li Yonghong isagoo ku tilmaamay ”kuwo waashay!!”

“Ma ogi sida uu Pallotta ugu fikiri karo in mushaharkeennu uu mar dhow la ekaan doono dakhligeenna,” ayuu Fassone ku bilaabay weerarka uu ku qaaday naadiga caasimadda.

“Qorsheheenna dakhli wuxuu ka kacayaa 50-60 boqolkiiba, weliba waxaannu sidaa u niri anagoo dhaxalnay koox ay mushaharooyinkeedu aad uga hooseeyeen kooxaha waawayn.

“Markii taa laga yimaado, qaanta Milan haatan waa €120m oo euro oo qura, taasoo sida muuqata aad uga wanaagsan midda Roma, taasoo, maaddaama laga diiwaan geliyay suuqa saamiyada, ay khasab noqotay in la shaaciyo buug-xisaabeedkeeda.

“Ma doonayo inaan iyaga ka hadlo, balse qof kasta wuu arki karaa heerka qaamaha ay qabaan…” ayuu qaniinyadiisa kusoo qabirey maareeyaha guud ee Milan.

b

From left, David Han Li, Yonghong Li, and Marco Fassone, pose with AC Milan jerseys during a press conference to illustrate takeover of AC Milan soccer club by a Chinese consortium, in Milan, Italy, Friday, April 14, 2017. A new era began at AC Milan on Thursday after the sale of Italy's most successful club to a Chinese-led consortium ended Silvio Berlusconi's 31 years in charge. (AP Photo/Antonio Calanni)
From left, David Han Li, Yonghong Li, and Marco Fassone, pose with AC Milan jerseys during a press conference to illustrate takeover of AC Milan soccer club by a Chinese consortium, in Milan, Italy, Friday, April 14, 2017. A new era began at AC Milan on Thursday after the sale of Italy’s most successful club to a Chinese-led consortium ended Silvio Berlusconi’s 31 years in charge. (AP Photo/Antonio Calanni)

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close