Dhaawaca Franck Ribery uma khatar badna sida markii hore la mooday

rii

(Singapore) 28 Luulyo 2017. Bayern Munich ayaa helaysa war farxad galinaya kaddib markii uu Carlo Ancelotti xaqiijiyay in dhaawaca Franck Ribery uusan u khatar badnayn sida markii hore la moodayay.

Labo ka tirsan waaxda caafimaadka ayaa garbaha ka galay xiddiga reer France mar garoonka laga saarayay ciyaartii saaxiibtinimo ay Bayer Munich guul darada kala kulantay Inter Milan.

Daafaca Inter Milan Skriniar ayaa dhaawacan gaarsiyay Ribery, yeelkeede Ancelotti ayaa xaqiijiyay inuusan muddo dheer garoomada uga maqnaan doonin.

i

 “Ribery waxaa dilaac yar ka gaaray Canqowga,” Ancelotti ayaa shirka jaraa’id sidaa ka yiri.

“Wuxuu u baahday in qodobo yar la tolo laakiin waxaan aaminsanahay in labo ama saddex maalmood uu taam noqon doono.

34-jirka ayaa iminka ah laacibka waqtiga ugu dheer u adeegayay kooxda reer Jarmal kaddib markii uu ciyaaraha ka fariistay Philipp Lahm.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close