Chelsea oo bisha soo socota u dhaqaaqeysa saxiixa 3-dan laacib

conte

(Europe) 28 Luulyo 2017. Chelsea ayaa weli xiiseynaysa soo xero galinta xiddiga Arsenal Oxlade-Chamberlain iyo daafaca Juventus Alex Sandro waxaana lagu wadaa inay u wada dhaqaaqdo bisha soo socota.

Kooxda xafidaneysa Premier League ayaa sidoo kale isha ku heysa laacibka Everton Ross Barkley iyadoo uu Conte eeganayo inuu shub ka dhigo shaxdiisa.

Liverpool ayaa hogaamineysa raacdada loogu jiro xiddiga reer England ee Gunners Oxlade-Chamberlain, kaa oo hal sano uga harsan yahay qandaraaska uu ku joogo Emirates.

23-jirka ayaa doonaya inuu isaga soo tago kooxda reer London wuxuuna baadi goob ugu jiraa meel uu joogta uga ciyaaro waliba booska uu doorbidayo ee qadka dhexe.

Ilaa 70 milyan oo bound, 26 jirka Sandro ayaa haya wadada uu markale kal ciyaareedkan ku jabin lahaa rikoodhka suuqa kala iibsiga ee Blues.

Horyaaladda Talyaaniga ee Juventus ayaa ku dagaalameysa sidii ay wiilka reer Brazil u sii heysan lahayd, laakiin wuxuu diiday inuu qandaraas cusub u saxiixo waxaana la fahansan yahay inuu doonayo inuu la shaqeeyo Antonio Conte.

Dhanka kale tababaraha Everton Ronald Koeman ayaa xaqiijiyay in Barkley uu xagaagan ka tagayo kooxda. Waxaana u dhakan Chelsea iyo kooxo kale ay ku jirto Manchester United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close