”Milan wixii ay doonto iskama samayn karto laakiin…” – UEFA oo digniin bixisay

(Nyon) 27 Luulyo 2017 – Guddiga maamulka hannaanka dhaqaale wanaagga ee UEFA Financial Fair Play ayaa ka digey in “Milan aysan ka baxsanayn kooxaha uu qabanayo xeerka FFP”.

Kooxda Rossoneri ayaa marka dayrta la gaaro gudbin doonta xisaabaadkeeda si ay u eegto UEFA, tiiyoo ay lacago badan xagaagan farraqday.

“Milan kama reebanaan doonto xeerka Financial Fair Play, maxaa yeelay ma jiro naadi xeerka ka wayn,” ayuu hoosta ka xarriiqay Andrea Traverso oo u warrmayay Gazzetta dello Sport.

“Hannaankan FFP ma laha laakiin nidaam wax amra, tusaale ahaan, dadka uma sheegno wixii la samayn karo iyo wixii aan la sameeyn karin, qof kasta wuu yeeli karaa sida uu doono lkn waxaa jira cawaaqib.” ayuu raaciyay.

“Sida cad Milan iskama samayn karto wixii ay doonto, balse haddii ay laacibiin soo iibsatey waxay doonaysaa inay dib usoo laabato, tan kale waxay geli karaan heshiis cusub oo ah 4 sanadood oo ay dhaqaalohooda ku dhisi karaan, kaddibna qiimaynteenna ayaan samaynaynaa.” ayuu raaciyay.

“Ma hayno xisaabaatka Milan, kala duwanaanshiyaha Inter iyo iyaga waloow ay adag tahay in la sharroxo misna Milan Yurub ma joogin, tan kale lacagaha ay hadda kharash garaynayaan xisaab celintoodu waa 2018.” ayuu daba dhigay Andrea oo soo jeediyay in horyaallada oo adkaadaa ay keeni kartaa tartan run ah.

b
Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close