Milan oo ka war dooneysa Ronaldo

hd-cristiano-ronaldo-real-madrid_1kr7p6sk573af1cjam6tk1t1cr

(Milan) 27 Luulyo 2017. Agaasimeyaasha guud ee AC Milan Marco Fassone iyo  Massimo Mirabelli waxa ay kulan la yeesheen Jorge Mendes.

Mawduuca kulanka waxa uu ahaa sida ay sheektay Sky Sports Cristiano Ronaldo.

Milan waxa ay dooneysaa in lagu soo wargaliyo hadiiba ay dhacdo in xiddigga Portugal go’aansado in uu ka tago kooxda.

Lama sheegin wadaxoojood ku saabsan heshiis labada dhinac ah.

Ronaldo bilowgii xagaagan waxa uu cadeeyey in uu ka tagayo Real Madrid kaddib mushaaki uu kala kulmay musuuliyiinta Spain oo ku edeeyey lunsashada canshuur.

Hase ahaatee, waxa uu dhawaan xaqiijiey in uu sii joogi doono Los Blancos.

Tan iyo markii ay Milan la wareegeen maalqabeenada reer China waxa ay dhaqaale badan galisay suuqa kala iibsiga taas oo muuqaal kale u yeeshay himiladii kooxda oo luntay sanadihii la soo dhaafay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close