Inter oo heshiis cusub ka saxiixaysa Ivan Perisic si ay uga hor istaagto Man United

Ivan Perisic

(Milan) 27 Luulyo 2017 Kooxda reer talyaani ee Inter ayaa ku dadaalaysa sidii ay heshiis cusub uga saxiixi lahayd Ivan Perisic kaas oo laga doonayo Old Trafford.

The Sun ayaa daaha ka qaaday in Manchester United aysan diyaar u ahayn inay bixiso 49 milyan oo Ginni oo ah qiimaha Inter ay ku doonayso inay ku hesho laacibkeeda.

Tababare Luciano Spalletti ayaa dhankiisa doonaya inuu sii haysto Ivan Perisic maadama uu u arko laacib uu ku dagaal tagi karo xiliciyaareedka bilaaban doona.

Jose Mourinho ayaa ku darsaday Ivan Perisic qorshihiisa suuqa kala iibsiga ee xaggaagan, laakiin kooxdiisa Inter ayaaba doonaysa inay ka saxiixdo heshiis cusub si uu u sii joogo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close