Cesar Azpilicueta oo loo magacaabay Kabtan ku xigeenka Chelsea

ya

(London) 27 Luulyo 2017. John Terry ayaa muddo dheer uu hayay xilka kabtannimo ee Chelsa kaddib ka tagay kooxda iyadoo xilkaasi uu dhaxlay daafaca kale ee reer England ee Gary Cahill oo goor dhow loo magacaabay.

Daafaca lamaanaha qeybta dambe kula ah Cahill ee Cesar Azpilicueta ayaa isna loo magacaabay kabtan  ku xigeenka Blues.

Cahill  oo Chelsea uga soo biiray Bolton 2012-kii ayaa qiray in kabtanimada Blues oo loo dhiibo ay ka mid tahay waxyaabihii ugu fiicnaa uu ku guuleysto waayihiisa ciyaareed.

Cesar Azpilicueta is set to be moved out to right wing-back

“Shaki la’aan waa waqti farxad waayaheyga ciyaareed, ilaa iminka waqti fiican ayaan soo qaatay, midanna waa garaado aad u sarreysa,” Cahill ayaa sidaa u sheegay bogga kooxda Chelsea.

“Inaad kabtan u noqoto koox wayn sida Chelsea oo kale waa guul shaqsi ahaaneed oo wayn.

“Nasiib ayaan ku lahaa inaan waqti yare dheer aan soo xirto calaamada kabtanimada sanadkii tagay laakiin sida cad John Terry ayaa weli ahaa kabtanka kooxda.

Gary Cahill has been tipped to be the man to lead Chelsea in a new era of success

“Laakiin waxaan midaa ka helay khibrad badan waxaana rajeynayaa inaan ku sii socon karo xilli ciyaareedkan isla wadadaas.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close