Benjamin Mendy oo seegaya biloga xiliciyaareedka cusub

(Manchester) 27 Luulyo 2017 Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in Benjamin Mendy uu seegayo furitaanka horyaalka ingiriiska.

Manchester City ayaa kula soo wareegtay isniintii Benjamin Mendy lacag dhan 52 milyan oo Ginni laakiin nasiib uma yeelan doono inuu ka soo muuqdo kulanka ugu horeeya ee horyaalka ingiriiska.

Pep Guardiola ayaa shaaciyay in laacibku uu qabo dhaawac uu la dhibtoonayay mudo 8-bilood ah, Benjamin Mendy ayaana haatan ka maqnaan doona Man City ilaa 3-isbuuc.

“Nasiib xumo waxaa soo gaaray dhaawac fudud, diyaarna ma ahaan doono 2 ilaa 3-da isbuuc ee soo socota” ayuu yiri tababaraha reer Spain.

Man City ayaa u safri doonta kooxda Brighton furitaanka horyaalka ingiriiska maalin sabti ah taariikhduna tahay 12-8-2017.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close