Liverpool oo soo saartay xiddigaha uga qeyb galaya kulamada ay ku ciyaareyso Jarmalka….(Mane oo soo laabtay)

 ff

(Berlin) 25 Luulyo 2017. Kooxda Liverpool ayaa soo saartay 30-ka laacib ee uga qeyb galeysa kulamada ay ku ciyaareyso dalka Jarmalka.

Dhaliyahooda Sadio Mane kaa oo ka soo kabanaya dhaawicii ka soo gaaray Everton bishii Abril ayaa lagu soo daray shaxda.

Emre Can oo mustaqbalkiisa qar ka lulanaya ayaa sidoo kale ku jira, saxiixa cusub ee Liverpool Andy Robertson kaa oo usbuucii la soo dhaafay uga soo biiray Hull City ayaa kulankiisii ugu horreeyay u safan kara kooxdiisa cusub.

Mamadou Sakho, Lazar Markovic iyo Sheji Ojo ayaa laga soo tagay si ay u gaaraan heshiisyada ay uga tagayaan kooxda.

Sadio Mane

Wiilasha Jurgen Klopp ayaa sabtida magaalada Berlin kula ciyaari doona naadiga Hertha Berlin intaa kaddib waxay usbuuca xiga ka qeyb qaadan doonaan Audi Cup.

Reds ayaa la ciyaari doonta martigaliyayaasha Audi Cup 1-da August  intaa kaddibna waxay wajihi doonaan midkood Atletico Madrid ama Napoli.

30-ka ciyaartooy ee la magacaabay:

Karius, Clyne, Wijnaldum, Lovren, Milner, Firmino, Coutinho, Salah, Gomez, Henderson, Sturridge, Grujic, Klavan, Moreno, Mane, Lallana, Mignolet, Can, Robertson, Origi, Ings, Solanke, Matip, Flanagan, Kent, Ward, Ejaria, Woodburn, Alexander-Arnold, Grabara.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close