HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO: Dekadda oo muddo dheer kaddib hanatay horyaalka Soomaaliya

deee

(Muqdisho) 26 Luulyo 2017. Naadiga Dekadda ayaa gacanta ku dhigtay horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya kaddib markii ay bar-baro galabta la gashay kooxda Banaadir.

Dekadda oo afar dhibcood ka sarreysa Banaadir ayaa galabta waxay isku qabteen Koonis, waxaana meesha ka baxday rajadii ay koobka ka lahayd kooxda xafidaneysay horyaalka Soomaaliya maadaama uu harsan yahay hal kulan oo qura.

Qeybtii hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 0-0.

dekadda

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ayaa waxaa goolka la hormartay Banaadir oo dhabtii aad guul u doonesay si ay u nooleyso rajadeeda horyaalka balse nasiib daro Dekadda ayaa loo caleemo saaray horayaalnimada kaddib markii ay la timid goolka bar-baraha oo waxay iminka ku heysaa 4 dhibcood waxa dhimana waa hal kulan.

Dekadda ayaa hanatay horyaalka Soomaaliya markii ugu horreysay muddo 19-sanadood kaddib.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close