Dekadda oo galabta u dabaal dagi karta Horyaalka Soomaaliya

sss

(Muqdisho) 26 Luulyo 2017. Kooxda hogaamineysa horyaalka Soomaaliya ee Dekadda ayaa waxay galabta Koonis isku food saari doonaan Banaadir SC kuwaa oo kaalinta labaad ku jira.

Guul amaba baro baro ay gasho Dekadda waxay la micno tahay inay u dabaal degi doonto horyaalka Soomaaliya maadaama ay Banaadir ka sarreyso afar dhibcood isla markaana uu horyaalka ka harsan yahay hal kulan oo qura.

Dekadda ayaa kulanka ugu dambeeya ee horyaalka la ciyaari doonta kooxda Waxool oo naf la caari ah maadaama ay ka carareyso inay dib ugu laabato heerka labaad ee horyaalka.

Halka kooxda Banaadir ay kulankeeda kama dambeysta la dheeli doonto naadiga horseed.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close