WAR CUSUB: Madax ka socota Barcelona oo soo gaaray Ingiriiska iyo sheekada Philippe Coutinho oo soo dhawaatay

cu

(England) 25 Luulyo 2017. Barcelona ayaa diiday inay ka quusato soo xero galinta Philippe Coutinho, waxaana la warinayaa in madax ka socota kooxda reer Spain ay ka soo dageen London si ay dalab 89-milyan ah ula gaaraan Liverpool.

Jariiradda maalinlaha ah Sport ee dalka Spain ayaa sheeganeysa in saraakiil ay u soo duuleen Spain si wada hadalo horudhac ah ula yeeshaan kooxda reer England isla markaana wakiilka xiddiga reer Brazil ay laacibka u soo qaadaan Spain.

Liverpool ayaa usbuucii la soo dhaafay iska soo diiday dalab 72 milyan ay u soo gudbiyeen Barca iyadoo uu tababare Klopp ka dhawaajiyay inuusan laacibku beec ka ahayn.

Spanish daily Sport report Barca have jetted to London for advanced talks to sign Coutinho

Sunsport ayaa usbuucii la soo dhaafay shaaca ka qaaday in kooxda reer Catalonia ay dib ugu soo laaban doonto dalabka Coutinho iyadoo dalab ka qurxoon kii hore miiska soo saareysa.

Saxaafada Spain ayaa tibaaxeysa in imaanshiyaha Coutinho ee kooxda ay Neymar ka caawineyso inuu baaqi ku sii ahaado Barcelona kaa oo si wayn lala xiriirinayo inuu ku biiro PSG.

Mundo Deportivo claim Coutinho could be a possible replacement for Neymar

Warsidaha Mundo Deportivo ayaa isna qaba fikir midkaa gabi ahaan ka duwan wuxuuna qoray in Philippe Coutinho uu noqonayo badelka Neymar haddii uu doorto inuu ku biiro camaaliqada dalka Faransiiska.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close