Inter Milan oo €15m oo euro ku baadi goobaysa Erik Lamela

(Milano) 25 Luulyo 2017 – Wararka ka imanaya Spain ayaa tibaaxaya in Inter ay diyaarinayso dalab ku kacaya €15m oo ay ku raadinayso laacibka Tottenham Hotspur ee Erik Lamela.

Jookarkan 25-jirka ah ayaa seegay inta badan kulamadii kal-ciyaareedkii tegey ee kooxdiisa kaddib markii uu misigta ka dhaawacmay isagoo aan ciyaarin tan iyo bishii Nofeembar.

Waxaa sidaa daraadeed la sheegayaa in Spurs ay doonayso inay liiskeeda ka saarto laacibkan oo €30m kasoo siisteen kooxda Roma, halka Marca uu sheegayo in Nerazzurri ay xiisaynayso.

Warsidaha ayaa sheegaya in ay €15m ula diyaar yihiin laacibkan khadka dhexe, waloow Tottenham ay doonayso €18m, balse taasi ma aha farqi wayn in kastoo ay dhibaato ka taagan tahay faya qabka jireed ee laacibka.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close