Luka Modric oo ka hadlay dareenkiisa ku aadan inuu markii ugu horreysay No. 10 u xirto Real Madrid

modric

(America) 24 Luulyo 2017. Luka Modric ayaa xilli ciyaareedka cusub ee 2017/18 ka soo muuqan doona garoomada isagoo xiran Lambarka 10-aad.

Xiddiga reer Croatia ayaa go’aansaday inuu banneeyo lambarka No.19 isl amarkaana ka faa’iideysto lambarka 10-aad oo uu ka tagay James Rodriguez oo ku biiray Bayern Munich.

“Ciyaartoy badan oo waa wayn ayaa soo xirtay Lambarkaa,” Luka ayaa sidaa u sheegay TV-ga kooxda Real Madrid.

“Kama fikireyn inaan lambarkeyga  badelo, laakiin waan ka helay marka ay soo baxday fursada.

“Waan ka helaa Lambarka 10 waxaana horey ugu soo xirtay xulka Croatia iyo Dinamo Zagreb, laakiin Lambarka ma ahan waxa go’aaminaya waxa ka dhacaya garoonka.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close