Chelsea oo lagu ganaaxi karo China

2017-05-21T162036Z_138385236_MT1ACI14796599_RTRMADP_3_SOCCER-ENGLAND-CHE-SUN

(Beijing) 24 Luulyo 2017. Qoraalkii uu Instagram-ka soo dhigay Kenedy ee muranka dhaliyey ayaa sababi karta in Chelsea laga ganaaxo China, sidaas waxaa fahansan Goal.

Brazilian-ka waxa uu soo dhigay laba muuqaal oo soo jiitay eedeemo barahiisa bulshada intii uu safarka ay isugu diyaarinayaan ololaha cusub kula jiray kooxdiisa.

kenedy-chelsea-2017_o1qy9z0do2g81xxs8rufhb2lg

Waxa uu soo dhigay bartiisa dad badan oo reer China ah ayaa aflagaado u arkay waxaana ku ooriyey qeybo ka mida tarbuunka kulankii ay Chelsea 3-0 uga badiyeen Arsenal.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey Majaladda Goal in masuuliyiinta dowladda ay China amar ku siiyeen warbaahinta China in dhamaan waxayaabaha la xiriira ay ka saaraan saxaafadda  hadii ay ahaan lahayd qoraa, muuqaal iyo sawirro-ba.

Dhinaca kale waxaa jira xog ku warrameysa in wasaaradda arimaha dibadda  sheegtay in  ay suurtagal tahay ganaaxyo hor leh in lala beegsado Chelsea.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close