Chelsea oo hunguri ka soo galay Sergi Roberto

ser

(London) 24 Luulyo 2017. Chelsea ayaa baadi goob ba’an ugu jirta sidii ay u heli lahayd daafac kaga ciyaara garabka kaddib markii ay ku hungoobeen saxiixa Danilo oo ku biiray kooxda Manchester City.

Chelsea ayaan badel waxtar badan u heysan boosaska Alonso iyo Victor Moses taa oo ku qasbeysa Antonio Conte inuu suuqa u galo sidii uu u heli lahaa.

Image result for Sergi Roberto with Messi

Warsidaha Sport ee ka soo baxa Spain ayaa iminka warinaya in Blues ay diyaar la tahay adduun dhan 40 milyan oo euro ee ah lacagaha lagu bur burin karo qandaraaska uu Sergi Roberto kula joogo Barcelona.

Kooxda xafidaneysa Premier League ayaa la soo wareegtay saddex laacib oo muhiim ah balse weli suuqa ku jirta si ay u hesho xiddigo kale maadaama ay kal ciyaareedka cusub ku loolami doonto tartamo badan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close