XOG: Matias Vecino oo berri caafimaadka u maraya Inter Milan

(Milano) 23 Luulyo 2017 – Laacibka khadka dhexe ee Fiorentina jaalle Matias Vecino ayaa sida lagu wado wuxuu berri caafimaadka u marayaa kooxda Inter Milan.

Sida ku dhigan Premium Sport, Vecino ayaa ka maqnaa kulankii ay kooxdiisu iskugu timi ee lagu tusmeeynayay inuu dhamaaday tababarkii kal-horaadka ee ay ku samaynayeen Moena maanta oo Axad ah.

Hilinka ayaa sheegay in ay tani ugu wacan tahay laacibkan Uruguayan-ka ah oo berri ku wajahan magaalada Milano oo uu caafinaadka ugu marayo kooxda Nerazzurri.

Vecino ayaa la fahansan yahay inuu ogolaaday qandaraas 5 sanadood uu kula joogayo Inter kaddib markii ay kooxuhu isku raaceen in la bixiyo €24m oo lagu fasaqayo qandaraaskiisa.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close