Wadahadaldii Neymar aabihii iyo Barcelona oo fashil ku dhammaaday…(Maxaa xiga?)

ney

(America) 23 Luulyo 2017. Neymar ayaa aad ugu dhawaanaya inuu markan u dhaqaaqo PSG kaddib markii uu bur buray wada hadaladii ay yeesheen aabihii ahna wakiilkiisa iyo kooxda Barcelona.

Maamulka Barca iyo Neymar aabihii ayaa wada hadlay kaddib kulankii saaxiibtinimo ay Juventus uga adkaadeen 2-1 markaa uu Neymar dhaliyay labada gool oo ay u dheereyd wacdaro muuqata.

Laakiin nasiib darro wada hadaladii ayaan miro dhalin oo guul darreystay waxayna u muuqataa sidii la aaminsanaaba in wada hadalada kooxda reer France ay taagan tahay xaalad horumarsan.

Xiddigaha kooxda Barcelona ayaa isku dayay inay Neymar ku qanciyaan inuu kooxda la sii joogo, balse qaar ayaa quus muujinaya kaddib fashilkii ku yimi wada hadaladii waji ka wajiga ahaa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close