Philipp Lahm oo loo magacaabay German Footballer of the Year for 2017

DFaSfQ7XcAE7pqk

(Germany) 23 Luulyo 2017. Kabtankii hore ee Bayern Munich Philipp Lahm ayaa isagoo ciyaaraha ka fariistay loo magacaabay laacibka sanadka ee dalka Jarmalka 2017.

Lahm ayaa ciyaaraha isaga fariistay bishii May kaddib waayo qurux badan uu ku guuleystay sideed jeer Bundesliga, 6-jeer DFB-Pokal, Champions League iyo koobka adduunka uu la qaaday xulkiisa.

Saxafiyiinta ciyaaraha ee Jarmalka ayaa ugu coddeeyay Lahm inuu noqdo laacibka sanadka ee jarmalka kaddib markii uu Bayern Munich markale ku hogaamiyay horyaalka kal ciyaareedkii tagay.

Waxaa abaal marinta kula tartamayay laacibka Real Madrid ee Toni Kroos iyo dhaliyaha kooxda Borussia Dortmund ee Pierre-Emerick Aubameyang.

Waxaa soo qaban qaabisay jariirada Kicker waxaana codeeya saxafiyiinta ciyaaraha markii ugu horreysay waxaana loo ogol yahay abaal marinta ciyaartoyda  ka ciyaarta gudaha dalka Jarmalka dhalashadey doonaan ha heystaan iyo ciyaartoyda u dhalatay dalka Jarmalka ee ka ciyaarta dibadda waana sida uu iminka tartanka ku soo galay Toni Kroos isagoo ka ciyaara Spain.

Waxaa kaalinta labaad ku soo baxay Kroos halka uu saddexaad galay xiddiga ka soo jeeda qaarada Afrika ee Aubameyang.

Lahm oo hadlay abaal marinta kaddib ayaa sheegay inay tani sharaf u tahay isla markaana uu aad ugu faraxsan yahay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close