Manchester United oo loogu baaqay in ay raadiso Wanyama

wanyama_1uqzq84fh58up10z1g6pl7n9xb

(Manchester) 23 Luulyo 2017. Manchester United waxaa loogu baaqay in ay la soo saxiixato bur buriyaha xoogga badan ee Tottenham Victor Wanyama.

Red Devils aad ayey xagaagan suuqa ugu mashquulsaneyd iyada oo £100million lacag ka badan kula soo wareegtay Victor Lindelof iyo Romelu Lukaku, balse Mourinho waxa uu sheegay in qorshihiisu yahay afar ciyaaryahan.

Manchester United waxaa diiradda u saarnaa xoojinta dhexdeeda iyada oo dhawaantan lala xiriirinayey Nemanja Matic balse waxaa loogu baaqay in ay Wanyamaha raadiso.

“Hadii ay Man United dooneyso mid, maxay u raadin la’dahay Wanyama? Waa nooca ciyaaryaha ee Mourinho’, Cundy ayaa sidaas u sheegay talkSPORT.

Wanyama waxa uu xagaagii hore £11million uga soo biiray Spurs kooxda Southampton.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close