”Bonucci si wayn baan u tebi doonaa, Dybala-na uma dhigmo Neymar” – Giorgio Chiellini

(New York) 23 Luulyo 2017 – Daafaca birta ah ee Juventus jaalle Giorgio Chiellini ayaa qirtay “In uu tebi doono’ saaxiibkii garabkiisa buuxin jirey ee Leonardo Bonucci isagoo dhanka kale sheegay in Paulo Dybala “uusan gaarin Neymar”.

Gaashaankan birta ah ayaa u warramayay Premium Sport maanta, wuxuuna Chiellini hoosta ka xarriiqay in Bonucci uu ahaa ninka ay iskugu dhowaayeen 7-dii sanadood ee ugu dambeeyay isagoo Dybala ugu baaqay inuu dadaal dheeraad ah muujiyo haddii uu doonato in loo arko nin u dhigma Neymar oo laba cajiib ahayd xalay ka dhaliyay Juve.

“Ma Dybala iyo Neymar? Dybala uma dhigmo Neymar maanta, anigoo xushmad sare u haya Paulo.” ayuu yiri.

“Bonucci? xumaan iyo samaanba wuxuu ahaa saaxiibkay. Waxaan is arki jirney in ka badan Gigi [Buffon], Andrea [Barzagli] iyo cid kastoo kale, taasoo ay ku jiraan qoysaskeennu.”

“Waan tebi doonaa insaan ahaan, balse laga yaabee inuu difaac kale yimaado, kaasoo aan ku nasan karno. Awal 5 difaac baan ahayn haatanse 4 baan nahay, weliba leh baxaalliyo kala geddisan, taasoo aan walwal badan i gelinayn daacaddii” ayuu yiri Georgio.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close